Saturday 24 February, 2018
Headline

XOG BUUXDA:- Madaxweyne Farmaajo Oo Dhawaan La Kulmaya Muuse Biixi (Xagee Ku Kulmayaan ?)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa dhawaan ku wajahan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda DJabuuti, Isagoona kulan kula Qaadan Doona Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dalka Jabuuti dhawaan ku kulmayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland .

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in kulanka labada masuul oo ah kii ugu horeeyay, uu  horu dhac u yahay wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo la filayo in dib loo amba qaado .

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan ka soo baxay maamulka Somaliland ee ku aadan in dalka Jabuuti ku kulmayaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, oo dhawaan ka hadlay Gooni Isku taaga Somaliland iyo Wada hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa Sheegay in Shacabka Reer Somaliland ay yihiin Dad Soomaaliya, balse ay Wax Tabanayaan, waxaana uu Tilmaamay in ay dib u bilaabayaan Wada Hadalada Labada Dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sheegay in aysan Kala Maarmin Shacabka Soomaaliyeed oo ay yihiin Dad Walaalo ah, waxaana uu Tibaaxay in ay ka qancin Doonaan Tabashadooda.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland ayaa Dhawaan ka hor yimid wada hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, ee la filayo in dhawaan ay qabsoomaan.

Siyaasiyiintaan ayaa Sheegay in arrintaani ay meel ka dhac ku tahay Sumcada iyo Karaamada Somaliland, maadama sida ay Sheegeen Shacabka Somaliland loo Geystay Xasuuq dadkii Geystayna ay Soomaaliya ka yihiin Dad karaamo Leh.

Si Kastaba ha ahaatee, Wada hadaldii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad galay dhowrkii Sanno ee u dambeeyay, waxaana la filayaa in wadahadalaasi ay dib u furmaan labada dhinacna ku shiraan dalka dibadiisa.

Hargeyso-Somaliland.

PUNTLANDI.CA

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!