Saturday 24 February, 2018
Headline

WARBIXIN XOG WARAN AH-Dowladda Ingiriiska oo Ku Biirtay Xiisadda Tukaraq iyo Safiir Gaarey Somaliland.

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in wafti uu hogaaminayo safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya David Concar ay ka degeen magaaladaasi Hargeysa.

Ujeedka safarka waftigan uu hogaaminayo safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya David Concar ee magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in uu yahay ka qayb qaadashada xal u raadinta xiisadaha ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland ee gobolka Sool oo ay haatan ku hawlan yihiin xalkeeda dowladdo badan oo caalamka ah.

Mr. Concar oo shir albaabadu u xidhan yihiin kula qaatay gudaha madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hor dhigay Mr. Biixi dalabaad ka socda dowladda Ingiriiska iyo Beesha Caalamka kaas oo ah in sida ugu dhakhsaha badan uu madaxweyne Biixi kagala baxo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ciidamadiisa, taas badalkeedna ay dowladda Ingiriisku sii xoojin doonto xidhiidhkii ka dhexeeyey labada dhinac.

Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya David Concar ayaa dhanka kale u sheegay madaxweynaha Somaliland in xiligani aysan danaynayn ka dowladd ahaan dagaalo ka dhaca goboladda Sool iyo Sanaag kuwaas oo dhex mara ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxaana uu ka dhawaajiyey in cidii bilowda dagaalkaasi ay qaadan doonto masuuliyadiisa.

Muuse Biixi Cabdi madaxweeynaha maamulka Somaliland oo kulankaasi ka hadlay ayaa safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya David Concar u sheegay in ciidamadiisu ay joogaan deegaano ka tirsan Somaliland isla markaasna aysan ku xad gudbin deegaanada Puntland xaqna u leeyihiin in ay socdaan ilaa ay ka gaadhayaan xuduuda Somaliland ay la wadaagto Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qaar kamid ah saraakiisha madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo la hadlay Warsidaha Puntlandnews.net ayaa sheegay in labada masuul ay isku af dhaafeen xiisadaha dagaal ee deegaanka Tukaraq kadib markii uu ka dhaga adaygay Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Somaliland dalabkii kasoo yeedhay dowladda Ingiriiska iyo safiirkeedaba, waxaana David Concar uu ugu hanjabay Mr. Biixi in ay ka jari doonaan taakulo kasta oo ay siiyaan ka dowladd ahaan maamulka Somaliland.

Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo uu iyagana kulan gaar ah la qaatay safiirku ayaa sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay hore ugu gudbiyeen dalabaadyo ku aadan in la joojiyo dagaalka Tukaraq, waxaana ay sheegeen in Mr. Biixi uu ku xad gudbay deegaano ka tirsan Somaliland oo ay hore uga digeen in ay uga imaan karto khatar caalami ah.

Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya David Concar ayaa go’aan adag kala kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah uga soo hor jeestay dalabaad kasta oo uga yimid Beesha Caalamka iyo Soomaalidaba, waxaana taasi ay sii xumaynaysaa xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!