Monday 19 February, 2018
Headline

WARARKII UGU DAMBEEYEY-Xaaladda Tukaraq oo Dhaqdhaqaaq Xoogani Ka Socdo.

Dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in dhinacyadani uu mid walbaaba heegaan xoogan uu ka galiyey ciidamada isla markaasna maalintii shalay ahayd ay qarka u saarnayd in uu dagaal xoogan ka dhex qarxo labada ciidan kadib markii ciidamo kasoo kala jeeda dhinacyada Somaliland iyo Puntland ay isku haleeleen deegaanka Tukaraq, walowse wax dagaal ah uusan dhex marin.

Gaadiidka dagaalka iyo madaafiicda goobta ayaa lagu arkayaa maanta jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq, waxaana sii xoogaysanaya xiisadaha u dhaxeeya labada dhinac oo mid kastaaba dhankiisa kawado qorshe dagaal.

Dadaalada caalamiga ah ee ay wadaan dowladdaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’addaha caalamka ayaa sii xoogaysanaya iyaguna, waxaana uu qorshahoodu uu yahay ka hor tagida dagaalo dhex mara labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!