Monday 19 February, 2018
Headline

WARARKII UGU DAMBEEYEY-Qarax Xoogan oo Caawa Muqdisho Kadhacay iyo Dhaawacyo La Gurayo

Warar goordhow naga soo gaaray Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maqribnimadii caawa caruur ku cayaareysay Walxaha Qarxa ay la qaraxday, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Caruurtan oo laba aheyd ayaa Walxaha qarxa ku heystay Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, iyaga oo ku cayaaraya ayay mar qura la qaraxday.

Qof joobjooge ah ayaa inoo sheegay caruurta Walxahan Qarxa ku cayaareysay in ay ahaayeen Darbi jiif, kuwaasi oo aanan kala garaneynin in birahan ay ku cayaarayeen ay dhibaato ka soo gaari karto.

Gaadiidkooda gurmadka deg dega ah, iyo qaar ka tirsan shaqaale caafimaad oo halkaasi gaaray ayaa goobta ka qaaday Meydka mid ka mid ah caruurta iyo mid kale oo uu dhaawac soo gaaray, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!