Saturday 24 February, 2018
Headline

WAR DEG DEG AH-Muuse Biixi oo Ka Dhoofey Hargeysa Kadib Markii Looga Yeeray Imaaraadka.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi, ayaa maanta safar qaadan doona muddo todobaadka ah ugu kicitimay dalka isu tagga Imaaraadka carabta. Ma jiro War rasmiya oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, warbaahintana waa loo diiday in faahfaahin lagasiiyo.

ilo wareedyo looga qaateen ah oo ka ag dhow Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shabakada Warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Muuse Dawladda Imaaraadka kala soo xaajoonayo Arrimaha Saldhiga Mileteri.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in Muuse Biixi faraqa loogusoo shubidoono dhaqaale badan Dawladda imaaraadku soo siin doonto, si loo fuliy heshiiska dhismaha saldhiga Miatary ee Berbera.

Somaliland ayaa joojisay dhismihii saldhiga Imaaraatka kadib markii loogasoo hanjabay dalka Yemen oo ay ka arrimiyaan Xuutiyiinta, kuwaas oo ku habjabay inay gantaal ku dhufanayaan Berbera iyo Hargeysa.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!