Saturday 24 February, 2018
Headline

Ciidanka Soomaaliland iyo Malayshiyaad Ku Dagaalamay Laascaanood.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu kadhacay dagaal u dhexeeya ciidamada ammaanka Soomaaliland iyo malayshiya beeleed ku sugan halkaasi.

Dagaalkani oo ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood uu yimid kadib markii ay dumiyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda hoose ee magaalada Laascaanood goobo ganacsi oo ku yaalay suuq kamid ah suuqyada magaalada Laascaanood.

Inta la xaqiijiyey ilaa hadda hal ruux ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi, waxaana xaaladda sidii loo qaboojin lahaa hadda ka shaqaynaya odayaasha iyo waxgaradka magaalada Laascaanood.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!