Monday 19 February, 2018
Headline

SAWIRRO: Xildhibaan Cabdi Xukun oo Ka Qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Wadamada Carabta ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xildhibaan Cabdicaziiz Cabdullaahi Maxamed (Cabdi Xukun ) ayaa ka qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Carabta ee “Arab Parliamentary Speakers” ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Shirweynahaan oo ahaa kii Saddexaad ayaa markii ugu horreeysay lagu casuumay xildhibaankaan ka socday dowladda Soomaaliya oo matalayay Madaxweynaha Baarlamaanka Pan Afrika, maadaama uu yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Bariga Africa ee Pan Africa.

Shirkaan ayaa looga hadlay sannadkaan arrimo ay ka mid yihiin Amaan darada iyo Argagaxisada ka jirta dalalka Carabta iyo sidoo kale qaxootiga ka yimaada wadamada carabta ee ay colaaduhu ka jiraan.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd wadamadii la far fiiqay ee ay ka jiraan Argagaxisa iyo amaan darada, waxaana hoosta laga xariiqay in wax laga qabto, iyadoo la taageerayo Dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo sidii looga shaqeyn lahaa sidii ay Falastiiniyiintu u dhisan lahaayeen ​​dawlad madaxbannaan.

Mustafa Xasan Cali                                                                                                                                                                mustafaxasan737@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!