Saturday 24 February, 2018
Headline

SAWIRRO-Xiisadda Tukaraq oo Sii Xoogaysatay Malayshiyaad Laga Qorayo Laascaanood iyo Puntland oo Diiwaangelinaysa Ciidan Xoogan Xuduudka.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaaqyo siyaasadeed iyo qorshayaal ay saraakiil katirsan Soomaaliland ku doonayaan inay malayshiya beeleed uga qortaan Laascaanood iyo deegaamada hoosyimaada.

Saraakiil katirsan ciidanka Soomaaliland ayaa lasheegay inay odayaasha beelaha gobolka Sool ee ku sugan Laascaanood taageersanna Soomaaliland ka codsadeen inay soo qortaan malayshiyaad horleh oo loogu daro ciidanka Soomaaliland.

Soomaaliland ayaa dhowaan ku fashilantay inay malayshiyaad ka qorato degmada Boocame iyo deegaamada hoosyimaada, waxaana deegaankaasi ka cayriyey ciidanka deegaanka Puntland iyo kuwa maamulka degmada Boocame.

Dhanka kalena, saraakiil ka socota dowladda Soomaaliya iyo dowladda Puntland ayaa gaarey deegaamo ka agdhow xuduudka Soomaaliland ee gobolka Sanaag halkaasi oo ay ka qorayaan ciidanka Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ee loo diiwaangelinayo Soomaaliya.

DAAWO-Puntland iyo DFS oo Diiwaangelin Ciidan Kawada Gobolka Sanaag.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!