Monday 19 February, 2018
Headline

Sawirro-Kooxda Alshabaab oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Odayaasha ay Madaxweynaha Isku Beesha Yihiin.

Kooxda Alshabab ayaa isugu yeertay oo degmada Jilib ku kulmisay salaadiinta gobolada Jubbooyinka ee ku dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

kulankan waxay odayaashu ku doorteen guddoomiye cusub oo hoggaamin doona dhammaan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobollada Jubbooyinka oo ka kooban Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose.

Sidoo kale xafladda waxaa odayaasha abaalmarin gudoonsiisay gobolada Jubbooyinka oo kasoo qayb gashay xafladda, waxana halkaasi odayaashu ay ka akhriyeen bayaan lagu ridaynayo maamulka Jubbalad islamarkaana Odayaasha loogu baaqayay inay ka qeyb qaataan dagaalka Shabaabku kula jiraan maamulka Jubbaland.

Max’med Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha kooxda Alshabaab ee Jubbooyinka ayaa Odayaasha ku bogaadiyay sida ay ugu dhago nugul yihiin amaradooda iyo dagaaalka ay kula jiraan maamulka Jubbaland.
SAWIRRO

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!