Monday 19 February, 2018
Headline

SAWIRRO-Beesha Siciid Harti oo Hub iyo Ciidan Horleh Gaarsiisey Tukaraq iyo Abaabul Saaka Ka Socda.

Xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogaysanayeen xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya dhinacyada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa iyaguna abaabul ciidan iyo mid dagaalba dhankooda kawada xubno ka tirsan maamulka Khaatumo iyo waxgaradka Beel weynta Siciid Harti (Dhulbahante).

Madaxweynihii Khaatumo oo dhowaan kusoo biiray safka Puntland Mr Cagalule oo haatan ku sugan degmada Buurawadal ee gobolka Sool ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Beel weynta Dhulbahante, kuwaas oo uu kaga hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada maamulka Somaliland.

Abaabulkani dagaal ee ay wadaan xubnaha ugu sar sareeya maamulka Khaatumo ayaa qaarkood la sheegay in ay booqasho ugu baxeen deegaanada Nugaasha ah ee gobolka Sool si ay ugala soo hadlaan bulsha weynta ku dhaqan deegaanadaasi qaabka loo xoreynayo gobolka Sool, iyadoona qaar kamid ah Beelaha Dhulbahante ay xiligani keeneen ciidamo Beeleedyo iyo Tikniko dagaal oo aad u fara badan si ay qayb weyn uga qaataan xorenyta Sool.

SAWIRRO

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!