Monday 19 February, 2018
Headline

SAAKA IYO TUKARAQ-Boqolaal Katirsan Ciidanka Puntland oo Gaarey iyo Xiisad Kataagan.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in diyaar garawgii ugu dambeeyey ee ay wadaan ciidanka Puntland laga dareemayo deegaankaasi.

Ciidanka difaaca ee Puntland ee ku sugan jidda hore ee dagaalka ayaa waxaa lageliyey heegankii ugu dambeeyey, iyadoona ay wararku intaasi ku darayaan in ciidanka loo diyaariyey inay xoreeyaan deegaamo badan oo katirsan gobolka Sool.

Boqolaal askari oo kayimid fariisimo iyo xeryo ciidan oo ay kulahaayeen deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Karkaar ayaa saacadihii ugu dambeeyey gaarey jiidda hore ee Tukaraq, inkastoo ilaa hadda aysan dowladda shaacin wax dagaal ah.

Dhanka kalena, maamulka Hargaysa ayaa dhankiisa waxa uu wadaa abaabul ciidan, walow wararka qaar sheegayaan in beesha caalamku ay dhinacyada ku cadaadinayso inuusan xilligaan dagaal kadhicin deegaamadaasi.

Xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qabqan qaabinayaan kulan aan caadi ahayn oo xukuumadda iyo madaxda loogu yeerayo si looga wada hadlo xoraynta gobolka Sool.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

4 Responses to "SAAKA IYO TUKARAQ-Boqolaal Katirsan Ciidanka Puntland oo Gaarey iyo Xiisad Kataagan."

  1. fuaad says:

    Hadal inooma furna

  2. wiil ogaden says:

    puntland la idin baray fulaynimadiina fadlan aamuska ku dadaala, laba bilood ubad leedihin boqolal ciidan ba gaaray jiida hore war ciidankan ma meel dalooshay kasii daadanayan

  3. Mohamed says:

    Xukuumada puntland iyo barlamaankeedu isma dhaamaan.

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!