Monday 19 February, 2018
Headline

MUUQAAL-Kulamo Xasaasi ah oo Garoowe Xalay Ka Socdey iyo Camey oo Saaka Furaya Shir Muhiim ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntand Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo uu weheliyo wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa saaka lafilayaa inuu Garoowe ka furo shir looga hadlayo arrimaha dastuurka Soomaaliya.

Abukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil wasiirka dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kusugan magaalada Garoowe, waxaana wehliya labada guddi ee baarlamaanka iyo kan madaxa banaan ee dawladda Soomaaliya, kuwaas oo shaqadoodu tahay sidii loo dardargalin lahaa arrimahan.

Kulamo u dhexeeeya labada wasaaradood iyo gudiyada barlamaanada Soomaaliya u qaabilsan arrimahaasi ayaa xalay ka socdey magaalada Garoowe.

HOOS KA DAAWO GAROOWE

Shirkaan oo socon doona muddo labo maamlmood ah ayaa waxaa dib loogu eegayaa dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana lafilayaa in la dhameystiro ka hor sannadka 2020-ka, si loo dardargaliyo hanaanka Doorashooyinka ee dalka oo muhiim ah.

Muddada uu socdo shirkaani waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo ogaan lahaa afkaarta ay qabaan Shacabka Puntland, iyadoo ay xubnahan tagi doonaan gobalada kala duwan ee Puntland.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!