Monday 19 February, 2018
Headline

Hal Sano Ka Dib , Maxaa Laga Bartay Dowlada Farmaajo Iyo Qalinkii Mahir Jaamac Aden

Dad badan waxaa ay la tahay in muddo ka badan hal sano ay jirto dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Max’ed C/laahi Farmaajo, laakiin taariikhda ayaa dhigaysa in mudo hal sano ah laga joogo maanta, xiligii uu baxay magaca Nabad iyo Nolol, 08-febr 2017 waxay aheyd markii ugu horaysay ee uu rabitaanka shacabka Soomaaliyeed guulaystay, isla markaana la doortay madaxweyne aan lahayn dhaawacyo siyaasadeed, ama sifo shaqsiyad la tuhunsanyahay.

Tusaale, Madaxweyne farmaajo wuxuu ahaaday hogaamiye aan siyaasadiisa wali lagu xaman:

• QABYAALAD: oo ah tan ugu weyn ee naafaysay jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

• MUSUQ-MAASUQ: oo ah kan curyaamiyay horrumarka dalka iyo dadka Soomaliyeed.

• KOOXEYSI: waa mid ka mid ah sababihii ugu badnaa ee muwaadiniin badan ka xanibayay ka qeybgalka danta guud, waana mid ay ka fogaatay dowladda uu hogaaminayo farmaajo.

• DANO_Shisheeye: wax badan ayay dowladaha deriska ah iyo kuwo kaleba uga faa’iideysan jireen nuglaashaha dowladeed ee Soomaaliya, lakiin waxay isticmaashay dowladda siyaasad Daneysi laba dhinac ah ( Bilateral Intrest).

Maxay Illaalisay Dowladdan?

• Waxay muddo sanad ah illaalisay amaanadii, rajadii iyo kalsoonidii shacabka ay u muuniyeen curashadeedii.

• waxay la timid wax qabad leh qorsheyn, talo-wadaag iyo isla xisaabtan.

• waxay la timi fullinta hal-abuur mashaariic cusub iyo dhamaystirka qorshayaalkii ka qabyada ahaa dowladihii ka horeeyay.

• waxay xoojisay xidhiidhka arimaha dibadda iyo Nabadgelyada.

• Waxay ka soo baxday ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo kula xisaabtamida waajibaadkooda shaqo.

• Waxaa sameysmay wasaarado tayeysan lakin aan wali gaarin heerkii loo baahnaa.

Maxay Lumisay Dowladdan?

1- Ma jiraan wali hay’ado garsoor iyo caddaalad madaxbanaan, ama ay go’aanadooda fulayaan

2- Malahan dulqaad badan oo ay dowladdu isaga difaacdo dhaliilaha Mucaaradka aan hubaysnayn.

3- Ma jiraan gobolo iyo degmooyin cusub oo ku soo kordhay gacanta dowladda tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay.

Mahir Jama Adam

Kala Xariir Dhanka Facebook Halkaan Riix 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!