Monday 19 February, 2018
Headline

Goormaa Wax Fahmi Doonnaa? Warbixintaan Waxa Ay La Xariirtaa Eeddii Mareykanka Ee Ganacsatdii Somaliyed

Dowladda Mareykanka ayaa Cunaqabateyn ku soo rogey Labada Shirkadood oo kala ah liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company oo uu leeyahay Ganacsada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland oo lagu Magacaabo Maxamed Mire Yuusuf Cali ka dib markii lagu eedeeyey in uu Taageero Daacish sidaa Darteed

1- Marka ay rabaan Reer Galbeedka in ay Hantidaada la wareegaan waxay leeyihiin Argaxisada ayuu taageeraa (Terrorism),

2- Marka la weeraro Dadka Madow, reer Galbeedka ama Dadka Dimoqraadiyadu Madax martey waxay yiraahdaan “Waa Midab Takoor” (Racism)

3- Marka la weeraro Dadka Yuhuuda ah waxay dhahaan “Yuhuud Naceyb” (Anti-Semitism)

4- Marka arrimo Haween laga hadlo waxay yiraahdaan “kala Soocida Ragga iyo Dumarka” (Gender Discrimination),

5- Marka la weeraro Ragga isu taga ama isu Galmooda waxay la soo boodaan “ Waa Dulqaad la’aan” (Intolerance),

6- Marka la weeraro Wadankooda ama Wadan kale waxay yiraahdaan “Argagixiso” (Terrorism),

7- Marka Mad-hab Diimeed la weeraro waxay la soo boodaan “Waa Hadal Naceyb” (Hate Speech),

8- Marka ay weeraraan ama wax ka sheegaan Sharafta iyo Karaamada Nabigeenna Muxamed (NNKH) Waxay yiraahdaan waa “Xorriyatul Qowl” (Freedom Expression) sidaa Darteed Goormuu wax Fahmi doonaa
.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!