Monday 19 February, 2018
Headline

FAALLO:- Dhacdooyinkii Ay Ku Fashilantay Dowladda Madaxweyne Farmaajo Sanadkii 1-aad (Akhriso)

Maqaalkani maaha qoraal siyaasadeed, maaha muxaafid ama mucaarad, maaha qabyaalad iyo qaran-dumis, maaha mid kula jira kaana jira, maaha murti iyo suugaan, maaha mushkilad iyo marin-habaabib, maaha maaweelo iyo madadaalo, mana ahan mucjiso waaxid iyo wadar toona ku wajahan.

Bulshaan kala sarreyn iyo sinnaan baan sugeynee, sedbursigoo lasuulshiyo xaq-soor baan sugeynee, Saxalkoo dhammaadiyo sharaf baan sugeynee, Gacmo laysi-saariyo nabad baan sugeynee, Sallaankii midnimadoo la kabaan sugeynee, Seermaweydo hoortiyo xareed baan sugeynee, Guryosamo la dego iyo barwaaqaan sugeynee, Saadaashii may noqon oo saakey ka daran tahay, Eebbow na samata-bixi oo guusha hayna seejin.  Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo

Sida ka muuqata ciwaanka qoraalkan waxaan kaga hadlayaa sida uu iila muuqdo sanadkii koobaad ee Dowladda mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajo, Siddeedii bishii Feebaraayo ee sanadkii tagay Soomaaliya waxa ay yeelatay madaxweyne Cusub, qofka kasta wuxuu u riyaaqay natiijadii kasoo baxday doorashada, waxaana la hamiyeye in laga bixi doono mugdiga jahliga, colaadda, cadaalad-darrada, qabyaaladda, qaran-jabka, dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, quursiga iyo wax waliba oo la hal maala. Tiigsiga iyo tawalintu waxa ay aheyd iftiinka aqoonta, cadaalad loo dhan yahay, tubta nabadda, sinnaanta, sharaf, karaamo, iyo Garsoor daacad ah. Halka ay gaartay farxadda shacabka waxaa laga dareemay dal iyo dibadba si wada jir ah ayuuna dadweynuhu ugu heesay dowladda cusub “maantay curatoo wey mataaneysee aan maalno hasheenii maandeeq”.

Geesiyaal mudan in la xasuusto ayaa 1993-dii, Admiral Jonathan Howe iyo ciidankii uu hogaaminayey ee loogu magacdaray howl-galkii rajo soo celinta Operation Restore Hope,kula dagaalamay dalka, isla markaana is-hortaag ku sameeyey yoolkii Boutros Boutros Ghali ee ahaa in dib Soomaaliya loogu celiyo maxmiyad cusub isla markaana la hir-galiyo damacii Mareykanka ee New World Order, sidaan oo kale taageerayashii Geesiyaashaas waxa ay markaas ku maansoodeen, “maantay curatoo wey mataaneysee aan maalno hasheenii maandeeq”.  Hayeeshee hal-dooradii soo hooyay guushaas taariikhiga ah waxa ay ku dagaalameen dambarkii Maandeeq oo nin waliba waxa uu hamiyey in uu qod-qaniin ku maalo.

Sidaas oo kale doorashadii dhacday bishii Feebaraayo 2017, dhamaan musharaxiintii la tartantay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh, waxa ay ku hadaaqayeen erayga Isbaddel-doon qof waliba wuu rumeysanyahay Eex iyo Addiyad in kursi doonku ay iskuugu dareen Mr. Xasan si uusan u soo laaban, galabtii lagu balamay fagaarihii faltanka ee 8 bishaasna wey kaga adkaadeen si codadka ay isku siiyeenba. Sidan kor kusoo sheegay  waxaa la’is lahaa waa laga gudbi doonaa sabankii suluf colaadeedka iyo salowga qabiilka, hayeeshee nasiib darro manta waxaa madaxa iyo majaha isku dhagan raggii ra’yiga mideysan lahaa ee guusha kasoo hooyey  muxaafidkii ay la faltameen.

Xisbiyada Siyaasadda ee dalka Mareykanka waxay isla ogol yihiin isreeb-reebka in musharaxiinta u loolamaya xilka ugu sareeya dalka loo qabto Talaadada tartanka ugu dembeysa oo ay ugu yeeraan Talaadada weyn Super Tuesday  isla markaana doorashadu dhacdo Talaadada ugu horreysay bisha 11aad.

Dhamaan Soomaalidu waxey isla ogolyihiin in aan la dagaalamin, la is dooxin, oo aan la is dilin sababnka abaarta iyo Naq-raaca, lana hilmaamo qabiil u bururka isla markaana la hirgaliyo sinnaan iyo xaqsoor loo simanyahay oo lagu wadaago manfaca saarka iyo salooka la is kuugu yimid jiilaalka dardiis.

Tagistii magaalo ee Soomaalida waxay meesha ka saratay hidde dhaqan soo jiraan ahaa, dabcan Soomaalidu waligeed waxa ay isku dili jirtay waxa loo yaqaaan Todobada Bilane Belo Huris ee kala ah: Gabdhaha, Geela, Gamaanka, Beeraha, Biyaha, Daaqa iyo Qilaafka dariiqooyinka. Hayeeshee dagaal waliba oo dhaca waxaa lama dilaan ahaa Todobada Biri Mageydo oo kala ah: Hogaamiye dhaqmeed, Culimo, Maato, Ergo, magan, Socoto iyo Xidid.

 Gacan-galintii Xabashida ee Qalbi Dhagax : 27-kii Bishii Agoosto ee sanadkii dhamaaday waxaa dalka ka dhacay wax lagu tilmaamay qaraw iyo qaracan, sawaxan bulsho iyo xasilooni daro siyaasadeed, muwaadin magaciisa la yiraahdo, Cabdi kariin Shiikh Musse {Qalbi Dakax } ayey dowladdu u gacan galisay xukuumadda Addis Ababa oo aan aamisanahay god-ka-weyn oo Soomaaliya laga qaniino in uusan jirin.

Run-ahaanti cid kasta oo ku lug laheyd dhiibistii walaal Qalbi Dhax waxa ay ku tunteen dhaqankii Soo jireenka ahaa ee Soomaalida, sida aan kor kusoo sheegay  Todobada Biri Mageydo waxaa kamid ah: Maato, Ergo, magan, Socoto iyo Xidid, Somaali weyn oo ah dad Xigaalo Xasabo Xidid iyo Xabiib wada ah, waa dhaqan ku cusub in arintan oo kale ay ka dhex dhacdo. Haddii ay loo eego dooddii xukoomadda iyo eedeyntii ay dusha kaga tureen Mr. Cabdi kariin waxaan looga fal-celin karaa dhaqankii lagula dhaqmi jiray Ergo, magan, Socoto iyo Xidid ayaad meesha ka saarteen.

Mushkiladda mataanaha iyo margiyada jartay Soomaalida saldhig-yadeeda waxaa qeyb ka ah, gabood-fallo diinta iyo culimada laga galay oo Rabbi uu cuqubadeeda soo dadajiyey. Gafkii iyo gardaradii lagula kacay Qalbi Dhax, 48 cisho kadib 14-kii bishii Oktoober magaaladii laga qafaalay ee Muqdisho waxa ay marti galisay mashaqo moorada cagliga iyo maanka fiyowba diidanyihiin.

Reer miyigu marka ay ka caagaan Sakada Saladda iyo Soonka oo uu sare maro salowga iyo Sad-bursi u qooqu, dilka iyo dirirtuna ay daba dheeraato isla markaana ay ku yaraato ku shugrinta nimcada uu rabbi ku maneystay  waxa ay ku tookhan Allow Balaayada soo higle naga hor joogso, Ku dheeraan mayo mucjisadii 14kii  Oktoober ka dhacday Isgowska Soobe laakiin waxaan si buuxda u amissanay in mushkiladdaas ay salka ku heysay cuqabadii laga galay Qalbi Dhagax.

Dhacdooyinkan dhowr xabo aan kasoo qaato, Abaaraha: sida lawada xasuusto sanadihii ugu danbeeyey abaaruhu waxa ay ahaayeen aafo gayiga oo dhan gaartay, indheer-garadyadu waxa ay ku doodaan in xaalufinta dhirta ay masuul katahay  soo noq-noqoshada abaarta roob la’aanta ka dhacday qeyba badan oo ka mid ah Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa si weyn u saamaysay deegaannada Soomaalida, sanadkii tagay wuxuu arintaas kala simanyahay sanadihii ka horreeyey, tii oo ay jirto magacbixinta Adduun weynaha ee Graveyard of Foreign Aid – qabrigii kaalmada shisheeye.

Go’aankii Bariga dhexe: Soomaalida waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad aan aqoon durugsan u laheyn abla-ableynta  arimaha Dibadda waxaana tusaale loo soo qaataa sanadkii 1977-kii sidii loola dhaqmay Midowga Sofiyet, iyo fashilkii Somaaliya ku dhacay 1963 aas aaskii  Organisation of African Unity kaas oo dhidibada loogu taagay Addis Ababa. Dhex dhexaadkii ay dowladdu ka noqotay runtii wuxuu mushkilad siyaasadeed ku noqday dowladda, inta badan maamul goboleedyada waxa ay ka dhan noqdeen go’aankaas iyaga oo si cad u sheegay in dowladdu aysan iyaga la tashan. Mudane madaxweyne u tali tobanka madaxweyne.dhex dhexaad nimadaas waxa ay sababtay in ciidamo Shisheeye ay madaxda dalka ku baacsadaan gudaha caasimadda.

Weerarkii Warsame iyo Duulaankii Qeybdiid:

Sida aan kor kusoo xusay manta waxaa madaxa iyo majaha isku dhagan raggii ra’yiga mideysan lahaa ee guusha kasoo hooyey  muxaafidkii ay la faltameen. 17-12-2017, Guriga Xisbiga Wadajir ayaa lagu ekeeyey weerar isagana la Xiray laguna  dilay  ilaaladii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha Xisbi siyaasadeedka Wadajir. Deegaanka burburay iyo dhaqan doorsoonka ka sakow, waa wax ku cusub Soomaalida falkii ay dowladdu kula kacday Cabdiraxmaan. Dabcan Warsame waa muwaadin Somaaliyeed la xiri karo, la dacweyn karo, la eedeyn karo  si sharciya waa faqsan, hayeeshee aqriste qaladaadka aad ka dharag

PUNTLANDI.CA

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!