Monday 19 February, 2018
Headline

FAAH FAAHIN-Askar Goob Fagaare ah Lagu Laayey iyo Shacabkii oo Ka Kala Cararay Isgoys Kuyaal Muqdisho.

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Goordhow waxa ay dilka geysteen meel aan ka fogeyn Isgoyska Sanka ee Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in halkaasi lagu dilay,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in mar uun ay ka warheleen rasaas kadibna ay arkeen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo Goobta yaalla.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi howlgallo ka wada wallow aysan jirin cid ilaa iyo iyo hadda ay u qabteen dilkaas.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!