Monday 19 February, 2018
Headline

DHEGAYSO-Saraakiisha Ciidanka Puntland oo Jiidda Hore War Culus Kaga Dhawaaqay.

Deegaamo badan oo katirsan gobolka Cayn ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaaqyo ciidan tan iyo markii maamulka Soomaaliland uu deegaamadaasi u diray shaqsiyaad uga soo qora malayshiyaad lagu daro ciidankooda.

Saraakiisha ciidanka Puntland ee gobolka Cayn ayaa waxa ay sheegeen inay diyaariyeen ciidan aad u xoogan oo kahortegi doona dhaqdhaqaaqyada Soomaaliland ay kawado gobolada Sool iyo Cayn.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Nuur, oo kamid ah saraakiisha ciidanka Puntland ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee gobolka Cayn iyo dhaqdhaaaqyada ka socda deegaamo dhowr ah oo katirsan.

DHEGAYSO

Dhowaan dowladda Puntland ayaa gobolka Cayn waxa ay ku soo bandhigtay in ka badan 160 askari oo katirsanaan jirey ciidanka Soomaaliland kuwaasi oo go’aansaday inay ku soo biiraan ciidanka Puntland ee ku sugan gobolkaasi.

Dhaqdhaaqyadaani ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay isku horfadhiyaan ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo malayshiyaadka maamulka Soomaaliland.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Responses to "DHEGAYSO-Saraakiisha Ciidanka Puntland oo Jiidda Hore War Culus Kaga Dhawaaqay."

  1. fuaad says:

    Waa Ayaan daro ciidanka puntland ee an kusoo arkay jiidaha hore ee tukaraq runt waxay awodaan intay rabaan inay socon karaan ilaa laascaano lkn waxaa hortagan dagaalkana daacad ka ahayn madaxweynaha puntland ina gaas hada waxan jogaa garoowe iskadaa dadkee waxaa wax iswaydinaya xoolihii oo leh war muxu damcay ina gaas

  2. wiil ogaden says:

    xita hadad iskaba daysan oo aad nadab kudhawaaqdan somaliland iyagan kudaynaynin

  3. Fahad says:

    Harti waa laga adkaadey, daaroodna waa ceebeeyeen, maxaa isaaq guusha siiyey, dhulbahante maxaa jahawareerka u keeney oo u kala daateen, jawaabtu waa awood ISAAQ.

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!