Monday 19 February, 2018
Headline

DEG DEG+WARAYSI-Barlamaanka Puntland oo Qorshihii Ugu Cuslaa Ka Abaabulaya Arrinka Tukaraq Una Yeeraya MD Gaas iyo Wasiirada.

Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa qorshaynaya abaabul xoogan oo ay kuyeelanayaan kulan aan caadi ahayn kaasi oo ay uga hadlayaan xaaladda guud ee Puntland, islamarkaana ay ugu yeerayaan madaxweynaha Puntland, madaxweyne ku-xigeenka iyo golohooda wasiirada.

Kulankaan ayaa noqon doona mid looga arrinsanayo arrimaha difaaca Puntland gaar ahaan xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidanka difaaca Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland.

Xilibaaan Cabdirisaaq Jaamac Cabdi oo kamid ah barlamaanka Puntland ayaa waraysi uu galabta siiyey Idaacadda Radio Garoowe waxa uu kaga hadlay qorshaha barlamaanka oo uu sheegay inuu salka kuhayo rabitaanka shacabka Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in barlamaanka Puntland ay waddooyinka ka mariwaayeen shacabka Puntland oo ka dalbanaya in dowladdu soo celiso dhulka maqan ee Puntland, wuxuuna sidoo kale intaasi ku daray in gudigii joogtada ahaa ee barlamaanku aysan qaban shaqooyin badan oo la sugayey.

DHEGAYSO WARAYSIGA UU SIIYEY RADIO GAROOWE

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!