Monday 19 February, 2018
Headline

DEG-DEG+SAWIRRO:- Shir Muhiim U Ah Soomaaliya Oo Ka Socda Muqdisho & IGAD Oo Ka Wada Hadlaysa.

Wakiilo ka socda Dowladaha ku Bahoobay Ururka Gobaleedka IGAD ayaa waxaa uu Shir Uga socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane.

Shirkan oo ah mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya ayaa looga hadlayaa sidii Wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD si furan oo bilaa fiiso ah isagu gudbi lahaayeen dadkooda.

Waxaa shirkan looga tashanayaa sida ugu haboon oo wadamada Xubnaha ka ah IGAD dadkooda bilaa fiiso isaga gudbi karaan, waxaana socda qorshe wadamada IGAD ku doonayaa in dadkoodu fiiso la’aan uga gudbaan wadamada xubnaha ka ah Ururkan.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madax katirsan Dowlada Soomaaliya oo la filayo in ay ka hadlaan.

Sanadihii ugu dambeeyay dalalka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaayay sidii loo hagaajin lahaa Xiriirka socdaalka ee dalalkaasi ka dhaxeeya.

SAWIRRO.

PUNTLANDI.CA

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!