Monday 19 February, 2018
Headline

Shacabka Degmada Afgooye Oo Khaati Ka Taagan Weerarada Alshabaab.

Shacabka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose oo qaati ka taagan dagaal joogta ah oo Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay ku soo qaadaan degmadaaasi,kuwaasi oo ka faa’ideysanaya habacsanaanta dhanka maamulka ah ee ka jirta.

Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney cabsi xoogan la soo deristay xilliyada qorax dhicii ama maqribkii,taasi oo ay ka cabsanayaan dagaal ka yimaada ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Al-SHABAAB ayaa waxay fariisin ku leeyihiin deegaano sidaasi uga fogeyn Afgooye oo ay dagaalka ku soo qaadaan,waxaana ay bartilmaameedsadaan saldhigyada degmada Afgooye,halkaasi oo ay rasaasta ay is dhaafsadaan ciidamada Dowladda waxyeel ka soo gaarto dadka shacabka ah.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!