Monday 19 February, 2018
Headline

DEG DEG-Maxaadan Ogeyn oo Caawa Ka Socda Magaalada Boosaaso.

Ciidanka ammaanka dowladda Puntland ayaa howlgallo culus iyo baaritaano ammaanka lagu xaqiijinayo kawada qaar kamid ah xaafadaha magaalada Boosaaso iyo waddooyinka ay adeegsadaan dadka iyo gaadiidka magaaladaasi.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa loogu talagay in lagu xiro dadka kuhowlan falalka ammaan xumo ayaa waxa ay baarayaan gaadiidka dadweynaha, waxaana jawiga guud ee magaaladu uu yahay mid aad u degan.

Taliska ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa sheegay in howlgalladaani ay sii socon doonaan wuxuuna shacabka magaalada ugu baaqay inay ciidanka kala shaqeeyaan ammaanka.

Dhowaan magaalada Boosaaso waxaa kadhacay weerar lagu qaaday saldhigga bartamaha ee magaalada iyo qaraxyo aan waaweynayn oo kadhacay waddooyin gaadiidka shacabku aad u adeegsadaan.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!