Monday 19 February, 2018
Headline

DEG DEG-Madaxweyne Gaas oo Farriin Muhiim ah Gaarsiiyey Ciidanka Jiidda Ku Sugan Kuna Wajahan Garoowe.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa lafilayaa inay maanta dib ugu soo laabtaan deegaamada Puntland.

Waftiga madaxweynaha oo Muqdisho uga qaybgalay shirkii madaxda qaranka ee arrimaha ammaanka looga hadlayey iyo kulamo kale oo looga arrinsanayey masiirka Soomaaliya ayaa lafilayaa inay Garoowe kaga warbixiyaan socdaalkooda.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu sidoo kale hambalyo iyo salaan sare gaarsiiyey in ka badan 160 katirsanaa ciidanka Soomaaliland oo shalay si rasmi ah ugu biiray ciidanka difaaca Puntland.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee gobolka Cayn madaxweynaha ayaa sidhow ula socdey ciidamadaani ilaa ay kubiirayeen kuwa Puntland.

HALKAAN KA DAAWO

DAAWO-In Ka Badan 160 Katirsan Ciidankii Somaliland oo Ku Biiray Puntland iyo Shacabkii Ugu Badnaa iyo Saraakiil Soodhoweeyey.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!