Monday 19 February, 2018
Headline

DAAWO-Xiisadda Tukaraq iyo Sirta Ku Duugan ee Boobka Soomaaliland Kuhayso Hubkii Dhulbahante.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa weli ka taagan xiisado dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland kuwaas oo sii xoogaysanayey marba marka kasii dambeeya tan markii duulaanka ciidamada maamulka Somaliland ay ku qabsadeen bilowgii bishii hore ee sanadkani degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Hadaba qabsashada deegaanka Tukaraq ayaa waxaa ku dhex jira siro culus oo ku aadan qaarajinta saraakiil ciidan oo ka tirsan Somaliland, la wareegista hubkii ugu badnaa iyo boobid lagu sameeyo deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Faysal Maas oo kamid ah qurba joogta iyo aqoon yahanada Beesha Dhulbahate ayaa daba gal xoogan oo uu sameeyey kadib waxa uu warbaahinta u soo bandhigay ujeedooyinka ka dambeeya qabsashada degmada Tukaraq ee gobolka Sool iyo sidoo kale arimo xasaasi ah oo la xidhiidha qorshahayaal kala duwan oo ay kawada shaqaynayaan fulintooda maamulka Somaliland iyo kooxdii Cali Khaliif deegaanada Hol-Hol, Laascaanood iyo magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

DAAWO

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!