Saturday 24 February, 2018
Headline

DAAWO-Somaliland oo Ku Dhawaaqday Dagaal iyo In DFS iyo Madaxweyne Gaas

Xilli dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya laga qorayo qaybo kamid ah deegaanada Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag ayaa waxaa arintaas ka hadlay gudoomiyaha Badhan ugu magacaaban maamulka Somaliland Cali Xuseen (Soomaali).

Gudoomiye Soomaali oo ugu horeynba ku dheeraaday xaaladaha amni ee gobolka Sanaag ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in deegaanada bari ee gobolka Sanaag ay ka socdaan qorshayaal lagu qorayo ciidamo ka tirsan Soomaaliya, waxaana uu weerar ku qaaday madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali oo uu sheegay in uu haatan wado qorshe ah qorista iyo abuurista Jabhado dagaal kadib markii uu fashilmay dhismaha nidaamka ciidamada Puntland, isagoona sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!