Monday 19 February, 2018
Headline

Daawo:- Siyaasiyiinta Somaliland Oo Ka Hor Yimid Wada hadalada DF Soomaaliya & Somaliland, Una Digay Muuse.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland ayaa ka hor yimid wada hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, ee la filayo in dhawaan ay qabsoomaan.

Siyaasiyiintaan ayaa Sheegay in arrintaani ay meel ka dhac ku tahay Sumcada iyo Karaamada Somaliland, maadama sida ay Sheegeen Shacabka Somaliland loo Geystay Xasuuq dadkii Geystayna ay Soomaaliya ka yihiin Dad karaamo iyo Leh.

Siyaasiyiinta ayaa tilmaamay in Somaliland lagu Bahdilay Wada hadaladii hore ee ay la yeelatay Dowladda Soomaaliya ee uu Hogaaminayay Xasan Sheekh, waxaana ay uga digeen Xukuumadda Cusub ee Muuse Biixi in ay Qado tilaabo la mid ah tii iyada ka horeysay oo ah in ay wada hadal la Furto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Madasha ayaa ugu Baaqay Madaxweynaha Somaliland in uu Dhameystiro Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ee ay wada saxiixdeen Cali Khaliif Galeyr iyo Siilaanyo.

DAAWO.

PUNTLANDI.CA

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!