Saturday 24 February, 2018
Headline

DAAWO SAWIRRO-Somaliland oo Ciidamo Hubaysan Ka Soo Dirtay Laascaanood iyo Ciidanka Puntland Oo Heegan ah.

Warar kala duwan ayaa saaka waxa ay naga soo gaarayaan jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Soomaaliland iyo kuwa dowladda Puntland, sida ay sheegayaan dadka rakaabka ah ee la socda gaadiidka shacabka ee ku safraya Garoowe ilaa Laascaanood.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkaya wadada Laamiga ah ee u dhaxaysa magaalooyinka Tukaraq iyo Laascaanoood iyaga oo kusii jeeda jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana saacadihii ugu dambeeyey sii xoogaysanayey xiisadaha u dhaxeeya dhinacyada Puntland iyo Somaliland.

Dhanka kalena, ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan inta u dhexaysa God-qaboobe iyo Tukaraq ayaa ku jira heegan culus oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan dhaqdhaqaaq walba oo ay sameeyaan ciidamada Soomaaliland.

Ciidanka ayaa waxa ay weli kusugan yihiin fariisimadoodii ay horay u joogeen waxaana marwalba laga cabsi qabaa dagaal halkaasi ka qarxa maadaama ciidanka labada dhinac aysan kala dheerayn.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

8 Responses to "DAAWO SAWIRRO-Somaliland oo Ciidamo Hubaysan Ka Soo Dirtay Laascaanood iyo Ciidanka Puntland Oo Heegan ah."

  1. DUUGEEDA says:

    waayeelo soomaaliland xineen yaheedi waa habar yoonis jeegaantana waa xiniinyo dabayaal marka saciid hartina xiniinya dabayaal waxaa ka ah jaamac soo baxay iyo bah hararsame haba yac kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa la is yaqaanaa

  2. DUUGEEDA says:

    waayeel waa qolada u bareertey in ay ugu kala shubaan saddex xisbi oo isaaqland ah war adiga saciid hartiya maxaa kuu diidey inaad xisbi furato ood u tartanto waa habacsanaantaada markaad ma qasho majeerteen baa yimid salfudeedkii lagu yiqiiney jeegaan iyo jaamac soo baxay iyo bah hararsamo baad la imaan oo adaaba kasoo horeeyo war awalba xoogaa sandareer baad ku raacdeye maxaa kuu diidey walaal kaa tuu ku siiyo waar timihuunu isku badh badh uma xiirmaan war dhulbahate oo dhan baad ka hor imaaneysaan idinkoo ah jaamac soo baxay iyo bah hararsame haba yac waar maxaa libintii harti daba cayuun siiyey waad aragtaan sida ay idiin la dhaqmaan ama sidii cabdi bile galeydh waxaa dhahdaan waar hooy majeerteenow waxba nagama dhaxeeyo qoladaadaa soomaaliland baa wax naga dhaxeeyaan dhaxeyntu ma in xoogaa sandareer ah laguu tuuraa waar saciid harti sharaf buu lahaa oo darwiish bey ahaan jireen oo waabaa qoladaan iidoor buura saarnaan jireen kolkey idinla xidideen oo hablihii cas casaaye ilka casta ahaa idinku dareen bey buuraha kasoo dageen waqtigaasna waa jirtey iyo hada waa kaaf iyo kala dheeri

  3. DUUGEEDA says:

    waayeel waa qolada u bareertey in ay ugu kala shubaan saddex xisbi oo isaaqland ah war adiga saciid hartiya maxaa kuu diidey inaad xisbi furato ood u tartanto waa habacsanaantaada markaad ma qasho majeerteen baa yimid salfudeedkii lagu yiqiiney jeegaan iyo jaamac soo baxay iyo bah hararsamo baad la imaan oo adaaba kasoo horeeyo war awalba xoogaa sandareer baad ku raacdeye maxaa kuu diidey walaal kaa tuu ku siiyo waar timihuunu isku badh badh uma xiirmaan war dhulbahate oo dhan baad ka hor imaaneysaan idinkoo ah jaamac soo baxay iyo bah hararsame haba yac waar maxaa libintii harti daba cayuun siiyey waad aragtaan sida ay idiin la dhaqmaan ama sidii cabdi bile galeydh waxaa dhahdaan waar hooy majeerteenow waxba naga dhaxeeyo qoladaadaa soomaaliland baa wax naga dhaxeeyaan dhaxeyntu ma in xoogaa sandareer ah laguu tuuraa waar saciid harti sharaf buu lahaa oo darwiish bey ahaan jireen oo waabaa qoladaan iidoor buura saarnaan jireen kolkey idinla xidideen oo hablihii cas casaaye ilka casta ahaa idinku dareen bey buuraha kasoo dageen waqtigaasna waa jirtey iyo hada waa kaaf iyo kala dheeri

  4. Darwiish says:

    Beesha dhexoow Sool iyo Sanaag ragiina wada keena. Hubkiina na wada keena. Cidda cilaan faraha u marsan na taaj madaxa haloo saaro meherka na ha la kala qaato. Horaa la idiinku gabyay ee in laguu biiso lugahaagaad kusoo doonatay. Wa billaahi towfiiq.

  5. Kkkkkkkkkkkk waa markeeni aynu technicada Laamiga saari jirrey KKK
    Magaadhi laami taaganba dagaal diyaar u ah
    Wlhy intaan Hal saalbo dhicin Garowe ayuu taaganyahay
    Anaa kugu garabtaagan doesn’t work
    Meelkale karaadsha xaalka intaan dhaawac iyo dhimasho imaan Yoocadeena inadaba mariya

  6. Waayeel says:

    Puntland meeshan ma baraxley bey umalaysay oon hogaamiye rasmiya lahayn?
    War sool rag isku kalsoon madaxdoodana ku kalsoon ayaa jooga ee wiilka naasaha weynle waxba meesha kuma hayee nimanka iska barya oo waxaad tiraahdaan garowe un noo daaya.kkkkkkk majerteen tolkood moyee cidkale iskama celiyaan duf kubaxa

  7. Waayeel says:

    Somaliland xaniinyey sheegatay mana faanto
    Lkn ina gaas iyo puntland wa sidii sheegay garaad pintland wuxuu yiri cilaanba u saaran.
    War nimaka iskama celinkartiine dad degaanka ha kudirina.

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!