Monday 19 February, 2018
Headline

DAAWO-Maxaa Hortaagan in Tukaraq Lagu Kala Baxo iyo Farriintii Madaxweyne Gaas.

Muddo ka badan hal bil waxaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool isku horfadhiya ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Puntland, tan iyo markii ciidanka Soomaaliland ay qabsadeen deegaankaasi 8-dii bishii January.

Ciidanka labada dhinac oo isu jira masaafo aad u yar ayaan weli gelin dagaal rasmi ah oo deegaankaasi gacan kuhayntiisa ay ku kala qabsanayaan waxaana deegaanka maalinba maalinta ka dambaysay kusii qulqulaya ciidamo kugaashaaman gaadiidka dagaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii Soomaaliland qabsatay deegaankaasi sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo Soomaaliland haseyeeshee ay tixgelinayso codsiyada beesha caalamka iyo dalalka deriska ah, taasi oo u muuqatay inuu jiro cadaadis beesha caalamku ku doonayso inay dhex dhexaadin ka samayso xiisadda cusub.

DAAWO

Dhanka kalena, maamulka Soomaalilan ayaa diidey inuu ka boxo deegaankaasi waxaana ay sheegeen inuu yahay dhul uu siiyey maamulkii gumaystihii Ingiriiska oo maamuli jirey deegaamada maamulkaasi.

Haddaba qaar kamid ah siyaasiyiinta beelaha dega gobolka Sool ayaa sheegay in wax kasta la diyaariyey haseyeeshee dagaalka ay hortaagan tahay beesha Caalamka oo Muuse Biixi ka dhaadhicinaysa inuu ku laabto deegaanka Gambara.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Responses to "DAAWO-Maxaa Hortaagan in Tukaraq Lagu Kala Baxo iyo Farriintii Madaxweyne Gaas."

  1. d-me.info says:

    Wasiiradda, Xildhibaanada iyo madaxda labada dhinac ee kasoo kala jeeda maamuladu waxay xooga saareen sidii loo kala qabsan lahaa guud ahaan gobalka Sool, qaarkoodna waxayba xooga saareen in Tukaraq ay sii joogto Somaliland.

  2. Cubayd says:

    Wlahi jawaab kuhaboon ayaad siisay cadaadiska lasaarayo maxaa biixi loo saari waayey. Waxba iskama dhicin kartaan xiliga nabadana carabkaa idin dheer somali idin ogaatay. Inaydnaan rag iska dhicin Karin inta habar majeerteen&halamash naaga leh

  3. Haliye says:

    Cadaadiska Gaas saaran muxuu usaarnaan waayay Biixi.
    Waa nin fulay ah ok dadkiisa iyo dalkiisa midna dan ka lahayn

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!