Monday 19 February, 2018
Headline

DAAWO-Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Wasiir Xoosh iyo Gudiyadii Dastuurka.

Gudiyada dasturka ee Soomaaliya ayaa waxa ay siweyn uga cabanayaan wasiirkada wasaaradda dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Garoowe.

Gudiga dastuurka ee madaxa banaan iyo gudiyada barlamaanka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dastuurka iyo dibu eegistiisa ayaa sheegay in wasiir Xoosh uu jeebka ku qaatay dastuurkii islamarkaana uusan u ogolayn doorkooda.

Gudoomiye ku-xigeenka dastuurka ee labada aqal ee barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa sheegay in wasiir Xoosh uu afduubtay shaqadii loo igmaday gudiyada arrimaha dastuurka.

HOOS KA DAAWO

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa eedaynta kadib shalay ka dhoofay magaalada Garoowe, waxaana labada dhinac soo kala dhexgalay khilaaf aad u xoogan oo sabab u noqon kara dibudhac kuyimaada shaqooyinkii loo balansanaa.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!