Sunday 18 February, 2018
Headline

DAAWO-Haweenkii Isaaq oo Ku Biiray Dagaalka Tukaraq iyo Gawaari Dagaal oo Hargaysa Lagaga Soo Daabulay.

Xilli ay weli jiraan xiisado dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland isla markaasna ciidamada labada dhinac ay isku hor fadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa dagaalkaasi kusoo biiray haweenka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Haweenkani oo isugu jira murug maal iyo ganacsato ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa ayaa deeq isugu jirta Raashid iyo Hub gaadhsiiyey ciidamada maamulka Somaliland, iyagoona sheegay in ay ugu deeqeen agabkaasi ciidamada Somaliland loogana fadhiyo waa sida ay hadalka u dhigeene in ay soo xidhaan xuduudaha Somaliland isla markaasna ay tuukulo kasta ay la bar bar taagan yihiin ciidamada maamulka Somaliland.

DAAWO MUUQAALKA

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Responses to "DAAWO-Haweenkii Isaaq oo Ku Biiray Dagaalka Tukaraq iyo Gawaari Dagaal oo Hargaysa Lagaga Soo Daabulay."

  1. fuaad says:

    Dee dumarku xagay uga hadhaan ragooda qolada wabkan qorta ma waxaasay wax layaab leh inooga dhigayaan sool anagaa dayacnay hadaynu nahay puntland yeynaan runta ka warwaareegin waxay inoga hartay afka puntland magaceedii hoos buu udhacay waana madaxda hogaminaysa fidnadoo dhan iyo ficil la. Aanta nahaysa

  2. Faarax says:

    runtii wey u gaartey habraha reer hargaysa inay tukoraq ku sameeyaan dhoolotus ay ku sheegeen taakuleynta ciidanka qaranka. SSC ragiidii ayaa dayacay dhulkoodii, waxaa taas bedeley in dumarka SNM ay ka dhexgoodiyaan 300km gudaha dhulka SSC. taariikh madow dheh.

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!