Monday 19 February, 2018
Headline

DAAWO-Gudoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Puntland,”Majiro Khilaaf Dastuurka ah”.

Gudiyo iyo gudoonka barlamaanka Puntland ayaa maanta xarunta barlamaanka Puntland ee Garoowe waxa ay kulan xasaasi ah kula qaateen wasiirka dastuurka Soomaaliya iyo xubno kasocda xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

Kulamadaan xasaasiga ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayey arrimaha dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, waxaana labada dhinac ay siweyn isula gorfeeyeen tabashooyinka shacabka iyo dowladda Puntland ee ku aadan dastuurka dalka oo farafarayn badan lagu sameeyey.

Gudoomiye ku-xigeenka barlamaanka Puntland Cabdixamiid Xaaji Cabdisalaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in haddii la raaco dariiqada saxda aysan jiri doonin waxbadan oo ay shacabka Soomaaliyeed, dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya aysan jiri doonin wax lagu murmo.

Cabdixamiid Xaaji Cabdisalaan ayaa waxa uu tilmaamay in dastuurka kumeel gaarka ah ee wadanka uu u baahanyahay in laga yeesho talooyin wax ku ool ah.

DAAWO MUUQAALKA

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!