Monday 19 February, 2018
Headline

DAAWO-Boqolaal Katirsan Ciidanka Puntland iyo Somaliland oo Is Horfadhiya iyo Somaliland oo Ciidankii Cali Khaliif La Baxday.

Waxaa maanta tuulada Ballicad oo 70 Km u jirta Buuhoodle dhanka Waqooyi galbeed  lagu soo bandhigay Ciidamo Tiradoodu gaadhayso 200 oo askari , kuwaas oo ku biiray Ciidmada Somaliland.

Ciidankaan ayaa soo bandhigay wasiirka howlaha guud ee Somaliland oo kasoo jeeda Buuhoodle, kana mid ah siyaasiyiinta Dhulbahante ee Muuse Biixi soo magacowday.

Ciidankaan waxay u badan yihiin maleyshiyaadkii Cali Khaliif oo laga aruuriyay Buuhoodle iyo tuulooyinka ku xeeran.

Tilabaadaan ayaa loo fasiranayaa inay qeyb ka tahay tartan xagga ciidan qorashada ah oo laga dareemayaa gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kadib markii dowladu federalku bilowday qorshe lagu diiwaan galiyo ciidamo kamid ahaanaya xoogga dalka oo goboladaas laga qorayo.

Dowladda federalka ayaa maalmo kahor degaanka Carro-weyn kusoo bandhigtay 160 askari oo katirsanaa ciidanka somaliland kuwaas oo sheegay inay kasoo baxeen maamulkaas.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!