Monday 19 February, 2018
Headline

Ciyaaryahankii Hore Liverpool Ee Diouf Oo U Tartamaya Madaxweynaha Senegal.

Ciyaaryahankii hore ee Kooxaha Bolton iyo Liverpool Al Xaaji Diyuuf ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha Dalka Senegal ee Qaaraddan Afrika.

Diyuuf ayaa sheegay in uu waxbadan kala socdo siyaasadda,dad badan oo reer Senegal ahna ay dhegeysanayaan sida uu yiri.

Ninkan oo 37 jir ah kuna dhashay Magaalada Dhakar ee Caasimadda Dalka Senegal ayaa sheegay in uu waxbadan oo hoggaamineed ku dhexmartay kubadda Cagta,haddana doonayo in uu la tago Siyaasadda sidaga oo uga faa’deysanaya dadkiisa.

Diyuuf ayaa 12 Sanadood ka ciyaarayay horyaalka Dalka Ingiriiska waxaana uu u soo ciyaaray kooxaha kala ah;  Liverpool, Sunderland, Bolton, Blackburn, Rangers iyo Leeds.
Diyuuf ayaa u muuqda mid saaran waddada Laacibkii hore ee Kooxaha Cheslea,PSG iyo Milan ee George Weah kaas oo dhawaan noqday Madaxweynaha Dalka  Liberia ee Qaaraddan Afrika,iyada oo ciyaartooyda Afrika ee gelaya siyaasadda ay sare u kacayaan hadda.

PUNTLANDI.CA

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!