Monday 19 February, 2018
Headline

Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Abaabul Dagaal Kawada Jubbaland iyo KG.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay ugu mid ahaa xubnaha sar sare ee Al-shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya ka dib markii khilaaf soo kala dhax galay, asaga iyo Al-shabaab ayaa maalmihii danbe wuxuu waday abaabul dagaal oo ka dhan Al-shabaab.

Shiikh Mukhtaar Roobow oo ku sugan deegaano ka hoos taga Maamulka Koofur Galbeed ayaa wada dhaq dhaqaaqii ugu danbeeyay, wuxuuna hadda wararka ay heleyso KNN ay tilmaamayaan in dhaq dhaqaaqiisa uu ku sii fidaayo qeybo ka mid ah deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Jubalan.

Wadaadkaan ayaa hadda haysta Ciidamo fara badan oo isugu jiro ilaaladiisa iyo kuwoo kale oo ka soo goystay dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana xerooyin ciidan uu ku leeyahay gobolka Bay gaar ahaan meel aan ka fogeen Magaalada Baydhabo,  ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Afayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuurdiin Yuusuf Abuukar oo la hadlay KNN ayaa tilmaamay in jiraan dhaq dhaqaaqa ciidan ee uu wado wadaad diimeedka Mukhtaar Roobow, kuwaas uu ka wado Deegaano hoosyimaada Gobolada Bay, Bakool, Gedo, Jubba-Hoose, Shabeelada Hoose iyo kuwoo kale.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Abaabul Dagaal Kawada Jubbaland iyo KG."

  1. Maxamuud Abshir says:

    Eelayda ama Raxanweynta iyo Jareerweynta tuugsi mahaane dad dagaal yaqaan mahaan. Sida suuj iyo garmaal lagu wasay ma ilaawayaan hade hadi iska dhicinahayaan argagaxisada ayaga ka dhashay cid uu diidahaysa ma leh.

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!