Monday 19 February, 2018
Headline

BREAKING NEWS-Warkii Ugu Cuslaa oo Hadda Ka Soo Kordhay Tukaraq iyo Ciidamo Ka Baxaya

Warrar hoose oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu qorshanayo inuu ciidankiisa kala boxo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ujeedka ka bixitaanka ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq ayaa salka ku haya dalabaadyo iyo cadaadis xoogan oo la saaray Mr. Biixi, waxaana sidoo kale meesha aan ka madhnayn madaxweyne Farmaajo oo isna qayb ka ah dadaalada lagu kala qaadayo labada ciidan.

Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku kulmi doona dalka Jabuuti, iyagoona kawada hadli doona labada madaxweyne arimo badan oo ay kamid yihiin xal u raadinta xiisadaha Puntland iyo Somaliland ee deegaanka Tukaraq oo mar mar badan uu ka dhaga adaygay Mr. Biixi dalabyo farayey in ciidamadiisa uu kala baxo sida ugu dhakhsaha badan deegaanka Tukaraq.

Lama oga ilaa iyo waxa uu ku dambeyn doono xaalku, waxaase weli socda dadaalada lagu doonayo xal raadinta xiisadaha Tukaraq kuwaas oo ay ku hawlan yihiin dowladdo waa weyn iyo Beesha Caalamka oo xooga saaraysa in marnaba uusan dagaal ka dhex qarxin Puntland iyo Somaliland.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!