Monday 19 February, 2018
Headline

BREAKING NEWS-Ciidamada Dowladda Oo Ka Baxay Shabeelaha Hoose.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka baxeen degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose oo ay shalay Al-Shabaab kala wareegeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada dowladda Sababta ay degaanadaasi ay u tageen in aysan aheyn in ay ka sameystaan Saldhigyo.

Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkaasi uu ahaa in la burburiyo Saldhigyadda Al-Shabaab, islamarkaana ciidamada dowladda ay kusoo laabtaan Saldhigyadooda.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen inta badan degaanadii ay shalay tageen.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!