Monday 19 February, 2018
Headline

Allegri Oo Si La Yaab Leh Uga Hadlay Bar-bardhicii Tottenham Iskana Indha Tiray Su`aal Laga Weydiiyay Dybala

Tababaraha kooxda Juventus ee Allegri ayaa ka hadlay kulankii bar bar dhaca ay kula galeen Tottenham ee lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka ee min labada gool ahaa , waxa uuna hoosta ka xariiqay in kooxdiisa ay weli haystaan fursad ay wareegga 8-da ugu soo gudbi karaan

” Fursad guul aheyd ayaan iska qasaarinay inkastoo laba gool aan dhalinnay 10-ka daqiiqo ee ugu horeeyay ee ciyaarta balse waan ogaa in daqiiqadaha dambe ciyaarta ay adkaaneyso”
” Tottenham waa koox adag sidaa darteed musiibo uma arko bar bar dhac ay nala galeen” ayuu yiri Allegri

Waxa uu Allegri ku adkeystay in kooxdiisa ay haysto fursad ay wareegga kale ugu gudbin karaan ” waan awoodaa in aan ku soo badinno Wembley ”

Mar wax laga weydiiyay in ay suura gal tahay in weeraryahnkiisa Paulo Dybala uu ku soo laabanayo shaxda kooxda ee kulanka Wembley ayuu yiri Allegri” kulankaas ma dhawa , ugu yaraan bil ayaa ka hartay ”

Sidaas oo ay tahay laacibnkaas reer Argentina ayaa laga yaabaa in tababarka kooxda ku soo laabto todobaadkaan ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac ka haleelay jilibka oo keenay in bil iyo bar uu la maqnaado

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!