Monday 19 February, 2018
Headline

XOG XASAASI AH: M/weye Kuxigeenka Puntland Oo Faragalin Ku Haya Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Laga Soo Dooranayo G Cayn!

GAROOWE(PUNTLANDI) – Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa faragalin adag oo siyaasadeed ku bilaabay xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee laga soo dooran doono gobalka Cayn, waxaana uu xooga saarayaa qorshaha la xariira in ay soo baxaan Xildhibaano taageersan.

Madaxweyne kuxigeenka hadda ayaa ah musharax Madaxweyne kuxigeen, waxaana uu loolan adag kula jiraa beeshiisa xubno ka socda, gaar ahaana Baha-Nugaaleed oo ah kuwa saameyn leh.

7 xildhibaan ee kasoo jeeda gobalka Cayn ayuu hadda Camey xooga saarayaa sidii uu ku heli lahaa taageeradooda, wuxuuna si gaar ah u cabirtay in uu helo saaxiibo uu ku kalsoon yahay.

Eng, Camey ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa arrimaha loolanka ay biluhu naga xigaan, waxaana uu dhaqaale kubixiyey sidii ay u tanaasuli lahaayeen xubno u sharaxnaa xildhibaanadan cusub.

Odayaasha beelaha ayuu xooga saaray Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim, wuxuuna doonayaa in doonistiisa ay u ansixiyaan Isimaddu gaar ahaana kuwa ay isku jifada ka soo jeedaan.

Beesha Dhulbahante oo leh tiradda ugu badan ee baarlamaanka Puntland 17 xubnood ayaa dhawaan la kulmaysa dadaalo adag oo uga imaanaya beelaha qaarkood, gaar ahaana hardan loogu jiro xilka ay ku leeyihiin jagooyinka sare ee Madaxweyne kuxigeenimada.

Dadaalada hadda uu bilaabay Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ah kuwa uu dhaqaale xoog badan u haysto, wuxuuna xooga saarayey mudooyinkii ugu dambeeyey sidii damaciisa u hirgali lahaa, kaas oo ay arrimo badana ku wareegsan yihiin.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa la rumeysan in uusan cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeynin Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, marka laga hadlayo qorshaha doorashada nagu soo aadan oo ay ku kala aragtiyo duwan yihiin ayna kala wataan musharaxiin kale.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!