Monday 19 February, 2018
Headline

XOG: Wax Ka Ogoow Ajendayaasha Madaxtooyada Puntland Ay Hor-dhigeyso Wafdiga Madaxweyne Farmaajo Ee Tagay Garoowe?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusugan magaalada Garoowe ee caasumada Puntland oo maanta loogu sameeyey Soo dhaweyntii ugu weyneyd ee abid loo sameeyo, wuxuuna halkaas kula kulmayaa Madaxda ugu sareysa Puntland.

Kulan loogu golgol-xaarayo kulamada dambe ayaa socday tan iyo galabtay, waxaana diiradda lagu saarayey arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo AMniga dalka, gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada.

Si wadajir ah ayey ay labada Madaxweyne ee Dawladda Faderaalka & Puntland xariga uga jarayan berri Garoon cusub oo laga hirgaliyey magaalada Garoowe, waxaana uu noqonayaa midkii labaad oo Casri ah.

Warar hoose oo ay Puntlandi.ca heleyso ayaa sheegaya in marka ay dhamaadaan Furitaanka iyo xafladda Dabaal-daga Madaxweyne Gaasba ay ku xigi donaan kulamo siyaasadeed oo ay labada dhinacba heshiisyo ku gaari doonaan.

Qodobada ugu adag ee laga wada hadlaya waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka nagu soo aadan ee Soomaaliya, Maangalka in aan mar dambe dib loogu laaban nidaamkii Qabyaaladeed ee 4.5, lana hirgaliyo heshiisyadii horey loogu gaaray Garoowe.

Sidaas oo kale qeybsiga Mashaariicda dalka ayaa kamid ah arrimaha sidda weyn maanka loogu hayo, kuwaas oo la hubo in ay dhinacyadu si adag uga doodi doonaan bacdamaa dalka  uu yahay Federaal.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!