Friday 19 January, 2018
Headline

XOG SIR AH: Puntland Oo Qaadaysa Dagaal Culus Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ayaa sheegaya in ay Puntland qaadayso howlgal balaaran oo ka dhan ah Somaliland, taas oo ka dhigan duulaan qorsheysan oo ay maamulka Garoowe abaabulayaan maalmihii u dambeeyey.

Baabuurta gaashaman ee ciidamada Puntland ayaa ku sii jeeda deegaanka Tukaraq oo ay kulaalayaan saacadihii ugu dambeeyey, waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaaqan magaalada Garoowe.

Wariyaasha kusugan magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay Puntland qaadayso weerar adag oo lagu qaado Tukaraq oo ay qabsatay Somaliland, waxaana horey Puntland ay duulaanka ugu baajisay safarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga hayo howlgalkan ay qaadayso dawladda Puntland, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in ay guuldareysteen dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen Beesha Caalamka.

XIisada u dhaxaysa labada maamul ee Puntland & Somaliland ayaa soo bilaabatay 8dii bishan, xiligaas oo ay ciidamada Somaliland weerar abaabulan ku qabsadeen deegaanka Tukaraq oo ahayd Kastam canshuur ay lahayd maamulka Puntland.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

4 Responses to "XOG SIR AH: Puntland Oo Qaadaysa Dagaal Culus Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey"

  1. Yoonbeys says:

    Jariiban

    Cumar Maxamuud wax ka wacalo badan Majerteen kuma jidho. Afkaada qarmuun ka leexsho Ciise Maxamuud xawayaanyahow.

  2. Reemanti says:

    Cumar Maxamuudka shirqool foolxun ayaa wadaan, ruugcadaa Faroole ayaa sheegey,Cumar Maxamuud dagaalka ayaa ka baxayaan marka bilowdo si awooda ciidan Ciise Maxamuud loo burbursho.

    Waa idin fahamnay.

    • Cumar Maxamuud Jariiban says:

      Ciise Riyoole dagaalama yaa arkay?

      Cumar Maxamuud hadaa Gaalkacyo difaacan hutu hawiye mooryaan Habar Gidir ayaa Ciise Maxamuud dumarkiis wacalo ka dhali laha.r

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!