Monday 19 February, 2018
Headline

XOG CULUS: Maxaad Ka Ogtahay Malaayiin Dollar Oo Uu Helay Musharax Faarax Cali Shire Iyo Talaabooyin Deg Deg Ah Oo Uu Qaaday.

Siyaasi Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyada ee Puntland sannadkii 2009-kii ilaa 2014-kii ayaa safaro kala duwan kusoo maray inta badan wadamada Dibada, kuwaas oo uu taageero ugu raadinayo musharaxnimadiisa sannadka nagu soo beegan ee 2019-ka, oo uu doonayo Madaxweyne-nimada Puntland.

Faarax Cali Shire ayaa taageero u raadiyey qorshihiisa, wuxuuna xooga saaray sidii uu ku heli lahaa Malaayiin Dollar, oo loogu talo-galay Iibsashada codadka Xildhibaanada, si looga gudbo xil isku dhiibida sadexda beelood ee Puntland.

Faarax ayaa lacag badan ka helay Ganacsato iyo shaqsiyaad muhiim ah oo ka soo jeeda beeshiisa iyo guud ahaan Puntland, waxayna xooga saareen sidii Isbedel dhinaca hogaanka ah u dhici lahaa sannadka nagu soo beegan.

Warar ku dhaw dhaw Siyaasigan oo ay Puntlandi.ca heshay ayaa sheegaya in uu hadda hantiyey Aduun gaaraya 10Malyan oo Dollar, taas oo bilow wanaagsan u ah qorshihiisa ku aadan noqoshada Madaxweyne-nimada Puntland, xili uu wajahayo siyaasiin ay wataan wadamada qaarkood.

Siyaasigan ayaa sannadyadii ugu dambeeyey waday loolankiisa, wuxuuna saameyn wanaagsan ku dhex leeyahay bulshada Puntland, waxaana lagu xasuustaa waxyaabihii uu qabtay intii uu ahaa Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadii Faroole.

Balse dadka dhaliila ayaa ku eedaynaya in uu amaan iyo bogaadin wali weyn u hayo kooxdii AARAN-JAAN ee Madaxweyne Faroole xukuumadiisii la dagtay, kuwaas oo saameyn ku leh loolankiisa doorashada.

Faarax ayaa hadda baneeyey inta badan guryaha uu ku leeyahay magaalada Garoowe, wuxuuna dajinayaa Ragga loolankiisa qeybta ugu badan ka qaadanaya oo kasoo kala jeeda beelaha iyo gobalada Puntland oo dhan, si weyn ayuuna hadda u bilaabay qorshihiisa.

Kudhawaaqida Musharaxnimadiisa ayaa lafilayaa in ay noqoto mid ay dhinacyo badan ka qeybgalaan, waxaana guddiga uu magacaabi doono ka dhex muuqan doona rag siyaasad aan ku cusboneyn, xubno saameyn weyn leh iyo shaqsiyaad Wariyayaal ah oo hadda ka dhex shaqeeya warbaahinta gudaha, kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadda dalka.

Loolan adag ayuu wajahayaa, isagoo doonaya in uu helo taageerada baarlamaanka Puntland, iyadoo haddii uu guuleysto noqonaysa markii ugu horeysay oo sadexda beelood ee Maxamuud Saleebaan la dhaafiyo jagada ugu sareysa Puntland, taas oo ka dhigan talaabo muujin karta in la wada leeyahay mandiqada.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!