Monday 19 February, 2018
Headline

Xaaladda Muqdisho Oo Gashay Jahawareer Siyaasadeed , Wasiirka Arimaha Gudaha-na Laba Arin Midkood Ayuu Wajahayaa

Wasiirka arrimaha Gudaha oo ah ganacsade dhawaan la magacaabay ayaa la kulmay ra’iisal wasaare Khayre waxaana laga sugayaa talo soo jeedin ah in xilka laga qaado Thaabit oo waliba musuq maasuq lagu cadeeyo.

Wasiirka ayaa dalbaday in fursad la siiyo oo uu arrinta ku dhexgalo balse waqti mahaysto.

Hadaba Sadexda arrimood ee maanta Muqdisho ka taagan ayaa kala ah;

1- Muqdisho oo wadooyinkoodu xirmeen sababo laga cabsi qabo in banaanbaxyo dhacaan.

2- Xarunta Gobolka Banaadir oo shaqo badan ka socon jirtay balse hadda sheekadu tahay maxaa la yiri? goormee wax dhacayaan? iyo arrimo kale oo wal wal ku dheehan.

3- Xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xaafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ay ka socoto hadal haynta Gudoomiye Thaabit.

Thaabit Gudoomiyah Gobolka Banaadir ayaa wajahaya culaysyo siyaasadeed kaasi oo sabab looga dhigay, Ka hor imaanshiyihii weeraradii lagu qaaday guriga C/raxmaan C/shakuur iyo Kan Cabdi qaybdiid, Shirka la xiriira Nabadda iyo Horumarinta Muqdisho oo aan laga jeclaysan Madaxtooyada.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!