Monday 19 February, 2018
Headline

WARBIXIN XOG BADAN XAMBAARSAN: Sidee maamulka Somaliland ku qabsadey Tuulada Tukaraq?

Warsidaha Puntlandi.ca ayaa helay xog cadeynaysa sidii ay ciidamada Somaliland ugu suuragashay in ay qabsadaan magaalada Tukaraq oo 50KM u jirta caasumada Puntland taariikhdu markay ahayd 8 January 2018, xiligaas oo ay Puntland isku diyaarinaysay qabashada xuska 4 sanno guuradii kasoo wareegtay markii uu xukunka qabtay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Amarka dagaalka waxaa iska maamulay oo qaatay sidda la sheegay Taliyaha ciidamada Somaliland ee gobalka Sool Col, Mahad Cambaashe oo hadda isagu dib uga baxay Tukaraq.

Korneylkan oo horey u lahaa masuuliyadii Laascaanood ay gacanta ugu gashay Somaliland sannadkii 2007-dii ayaa doonayey in uu sii adkeysto xilkiisa, sidaas oo kalena dagaalo iyo Hanjabaado ay is dhaafsadeen Siyaasiinta beesha Dhulbahante ee ku kala jira labada maamul ayaa kamid ahaa arrimaha xooga badnaa ee dhacay.

 Duulaankan ayaa markiisa hore ku bilowdey xurguf dhexmartey dhinacyada beelaha Dhulbahante ee labada maamul kadib markii ay Handadaad ku sameeyeen Garadka beesha Jaamac Siyaad ‘Dhulbahante’ ciidamo ka tirsan Puntland oo u badnaa Ugaaryahan ‘Dhulbahante’ Garaadka ayaa markaas ku wajahnaa Caleema-saarkii Ugaaska beesha Xasan Ugaas ‘Dhulbahante’ oo ka dhacdey Tuulada Buuro-wadal.

Talaabadan ciidan kadib ayaa sida aan ku heleyno xogtaan waxaa si deg deg ah Baarlamaanka u horgeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamad Farax oo kasoo jeeda beesha Bah-hararsame ‘Dhulbahante’ kuwasoo ansaxiyey inuu sax ahaa duulaankii lagu qabsadey Tukaraq waxayna ku tilmaameen talaabo wanaagsan oo lagu hantiyey 65KM oo dheraad ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa ayaa soodhaweeyey talaabada ciidamadu ay ku qabsadeen Tukaraq oo ahayd Kastam Maaliyad badan uga soo xaroon jirtay Puntland, waxayna sidaas oo kale ku dhici waayeen in ay ka hor yimaadaan baarlamaanka go’aankooda oo ay ka doonayeen codka kalsoonida Wasiiradda.

Dhinaca kale, weerarkan iyo tageerada Baarlamaanka Somaliland ayaa ku soo beegantey xilli xukuumada cusub ee Madaxweyne Biixi ogolaansho ka raadineyso aqalka golaha shacabka ee maamulkaas.

Xogta Warsiduhu waxay cadeynaysaa in hadda Hay’addaha Somaliland oo dhan ay go’aansadeen in aan dib looga laaban magaalada Tukaraq, waxayna isku afgarteen in ay diyaariyaan wax kasta oo ku saabsan ciidamada Difaaca ee maamulkaas ay u baahan yihiin.

Cabsida baarlamaanka ka haysta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxay horseeday in uu Ergayga gaarka ah ee QM U qaabilsan Soomaaliya u sheego in Dastuuri ay tahay talaabada qabsashada Tukaraq oo ay go’aankaas gaaren baarlamaankiisa uusana ka laaban doonin.

“Ciidamada Somaliland ee aaga Sool iyo siyasiyiinta beelaha Dhulbahante ee ku sugan magalada Hargeysa ayaa waxaa dhiirigaliyey hanjabaado Madaxweynaha cusub jeediyey markii uu musharax ahaa kuwasoo ku sheegey inuu Garoowe qabsan doono,” Sidaas waxaa warbaahinta u sheegey mid kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Hargeysa.

Warsidaha Puntlandi.ca ayaa hadda ogaaday in xaaladdu ay meel halis ah gaartay, kala jabka Saraakiisha deegaanka iyo kuwa ka yimid gobalada Waqooyi Galbeed ayaa ah mid halis ah, waxaana aan la aqoon sidda loo xaajoon doono.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!