Sunday 18 February, 2018
Headline

Warbixin : 5 Sabab Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Qasbtay In Uu Ceyriyo Yussuf Garaad iyo Dowladda Mareykanka Oo Ku Lug Leh!

Soo jeedin ka timid,Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo aqbalaadda Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayuu xilkiisa ku waayay ,Yussuf Garaad Omar.

Siyaasiyiinta iyo shacabka ayaa arragtiyo kala duwan ka muujiyay xilka qaadista wasiirkii hore ee arrimaha dibbadda oo muddo ka yar sanad hayay xilka.

Haddaba, Puntland.ca oo xirrir la sameysay Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa heshay xogta iyo sababta dhabta ah ee uu xilkiisa ku waayay,tifaftirihii hore ee laanta Afsomaliga ee BBC -da.
5-daan arrimood ayaa xilka looga qaaday Yussuf Garaad waxa ayna Puntlandi.ca ku soo koo koobeysaa sida tan.

1– Yussuf oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir”Ceyr” ayaa ku guul-darreystay inuu qabiilkiisa ku qanciyo inay taageeraan dowladda oo ay joojiyaan mucaaradnimada xad-dhaafka ah.

Dhammaan xildhibaanadda, Siyaasiyiinta iyo ganacsatada beesha Habar-gidir ayaa diiday in ay aqbalaaan codsiga Yussuf,taasoo sabab u ah sida aan xogta ku helay Jufada hoose ee uu Garaad ka soo jeedo oo aan awood muuqato ku laheyn Habar-gidir.

2– Yussuf Garaad ayaa ka dhego adeegay in uu fuliyo ammarkii uu horey u soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in wasiirada aysan Baraha bulshada uga hadli karin arrimaha xasaasiga ah ee dowladda quseeya, taasoo uu waxba kama jiraan ka soo qaaday wasiirkii xilkiisa waayay, isagoo si gaar ah , qoraallo xasaasi ah uga sameeyay arrimaha siyaassdeed ee quseeya beesha uu ka soo jeedo, taasoo uu Madaxweynaha Soomaliya u arkay mid aan la jaan-qaadi karin hanaanka ay dowladdiisa ku shaqeyso oo ah” Umadda Soomaaliyeed ayaan u adeegnaa “.

3- Garaad waxaa uu ka hor-yimid Baaritaan ay dowladda Mareykanka ku sheegtay in ay xaqiijisay in dadkii ay ku dishay deegaanka Barriire ay ahaayeen Al-shabaab, taasoo uu beeniyay Yussuf, waxa ayna keentay in dowladda Mareykanka ay daciifiso wada-shaqeyntii wasaaradda arrimaha dibadda Soamliya ay la laheyd.

4- Yusuf ayaa ku guul-darreystay inuu Caalamka ka gado siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda jirta, Waxuuna sidoo kale ka seexday faro-gellinta ay dowladda Imaaraatka ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo uu si weyn uga carooday Madaxweyne Farmaajo.

5- Madaxweyne Farmaajo oo mucaaradka xun kala kulmaya beesha Habar-gidir oo dhaliilsan xilka wasiirka arrimaha dibadda ee ay qaabka awood qeybsiga ku heleen ayaa sidoo kale sabab u ah in uu xilkiisa waayo Garaad,si wasiirka arrimaha gudaha loogu qanciyo Beesha Ceyr oo ah midda xilligaan ugu awoodda badan Habar-gidir.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Habar-gidir ee ciddiyaha kula dagaalamaya dowladda Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah:

1 Abshir Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare,Ahana milkiilaha Shirkadda Warbaahinta GOOB-JOOG.

2 Cabdi-qeybdiid, Gudoomiyaha labada aqalka ee arrimaha dib-u-eegista Dastuurka,Madaxweyne-na kasoo noqday Maamulka GALMUDUG,sidookalena ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii ugu awoodda badnaa Muqdisho ee la dagaallamay Maxkamadaha.

3 Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, oo ka tirsan Barlamaanka, xilligii dowladii Shiikh Shariifna soo noqtay, Taliyaha Nabad-sugidda Qaranka.

4 Mahad Salaad oo ka tirsan barlamaanka kana mid ahaa saaxiibada dhow ee madxweyanahii hore ee Soomalaiya, Xassan Shiikh Maxamuud . Mahad waxaa uu soo qabtay xilalka Wasiir iyo Wasiir ku xigeen.

5 Abdirahman Odowaa oo ka tirsan barlamaanka Soomalaiya, dowladdiisa Xassan Shiikhna soo noqday,Wasiirka arrimaha gudaha.

6 Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo xilka madaxtimada issu sii sharaxay doorashii hore, Wasiirka iskaashiga caalamiga ahna kasoo noqday dowladdiisa Cumar Cabdi rashiid.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Responses to "Warbixin : 5 Sabab Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Qasbtay In Uu Ceyriyo Yussuf Garaad iyo Dowladda Mareykanka Oo Ku Lug Leh!"

  1. Adan says:

    Shaqada asi kama tegin ee waa laga diray inti aad weli qabiil ku dhegan tahay waa dambaysaa waxaana filayaa inaa tahay ciddi faanka iyo dhuusada badneed hhhhhh

  2. Atoore says:

    ASC.
    Juxaa waxaa xilka looga qaaday labo arimood.Tan hore maadaama uu ahaa wasiirka arimaha gudaha waxaa la shaqayn waayey dadkii ahaa beesha hawiye ee kala shaqaeynayey wasaarada arimaha gudaha.Tan labaad waxaa aad uga hor yimid Juxaa dad ka mida beesha Hawiye oo aad uga xumaaday in uu nin ah reer puntlaan xiligaan xamar ka noqdo wasiirka arimaha gudaha.Labadaas fakar oo ay labaduba yahiin kuwo ay soo fakareen dad liita ama caqli naaqus ah buu shaqada uga tagay Jaalle Juxaa.Maasha Allaah maantana waxuu joogaa Garoowe.Lagana yaabee in loo doorto madaxweynaha puntlaan sanad kabacdi Insha Allaah.
    Juxaa waxuu caan ku yahay haddii jago laga badalo in uusan sii jariibabin ee uu si toosan oo sharafaysan uu xilka ku wareejiyo qofkii lagu badalay.Juxaa ma aha dadka markii xilka laga qaado sii dac-dacwooda ee an sahal ku samrin.

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!