Friday 19 January, 2018
Headline

WAR DEG DEG AH: Puntland oo ciidamo cusub ka keentay gobaladeeda iskuguna geystay Tukaraq iyo Dagaal laga cabsi qabo

Ciidamadii ugu faraha badnaa oo ka socda Puntland ayaa hadda kusii qulqulaya magaalada Tukaraq, waxayna ka yimaadeen inta badan gobalada Puntland, waxaana muuqata in dagaal dhameystiran ay Puntland u diyaar garowday.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay saldhigyo cusub ka sameysteen degmada Tukaraq, isla markaasna ay subaxnimadii hore rasaas xoog leh laga maqlay deegaankaas.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in Saan-saanta colaadeed ee hadda taagan ay tahay midii ugu sareysay, ayna Puntland dagaal adag qaaday ilaa hadda.

Puntland oo ku mashquulsaneyd soo dhaweynta Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda u muuqata mid ka soo jeesatay soo dhaweyntaas, una diyaar garowday dagaal dhameystiran.

Shirar deg deg ah ayaa dhacaya goor dhaw, sidda wararku shegayaan waxaana looga hadlayaa abaabulka dagaal ee socda iyo jawaabta Somaliland.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!