Monday 19 February, 2018
Headline

WAR DEG DEG AH: M/weyne Gaas oo amar adag siiyey Taliyaha ciidamada Puntland, kuma amray ka jawaabida weerarada Somaliland

Garoowe January 21, 2018 – Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa amar deg deg ah siiyey taliyaha ciidamada DIfaaca ee Puntland Jen, Siciid Maxamed Xirsi (Siciid DHeere), kaas oo lagu amray in uu dhaqaajiyo guutooyin kamid ah ciidamada difaaca, si ay uga jawaabaan weerarada maamulka Somaliland ku soo qaadeen xaduudaha maamulkaas.

Warar ku dhaw dhaw Madaxtooyada Garoowe ayaa usheegay warsidaha Puntlandi.ca in la amray guluf colaadeed, lana dhameystiray agabyada ciidamada, iyadoo kulankii ugu dambeeyey goor dhaw ka soo baxay Madaxweynaha Puntland.

Mr, Gaas ayaa la kulmay Taliyaha ciidamada Puntland oo uu ku wargaliyey in la dhawro dadka xeerarka dagaalka la badbaadiyo, ayna tahay in maxaabiista dagaalka la badbaadiyo, oo aan marnaba lagu xadgudubin.

Sidaas oo kale wararku waxay cadeynayaan in dhaqaalaha Puntland soo galaya oo dhan loo xiray arrimaha dagaalka, laguna wajahayo oo kaliya daruufaha dagaaladu keeni doonaan.

Guddiyo gaar ah oo loo xilsaaray arrimaha dagaalka ayaa si weyn uga shaqeynaya magaalada Garoowe, waxayna xooga saareen adeegyada Caafimaadka, garab istaaga ciidamada iyo gurmadyada dhaawacyada.

Talaabada uu qaaday Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ahayd mid si weyn isha loogu hayay saacadihii ugu dambeeyey, waxaana dadka oo dhan ay sugayaan khasaaraha ka dhalan doona dagaal rasmi ah oo dhaca.

Wasiiro,Xildhibaano, taliyayaal ciidan & Isimadda Gobalka Sool waxay ku hanjabeen in ay tagayaan duleedka magaalada Burco ee gobalka Togdheer, taas oo ka dhigan dagaal mudo dheer qaadan doona.

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "WAR DEG DEG AH: M/weyne Gaas oo amar adag siiyey Taliyaha ciidamada Puntland, kuma amray ka jawaabida weerarada Somaliland"

  1. WA Qarnigii dagaalka ,,dagaalkuna ma Cusba e islaaaaya kolay puntlandi.ca waxay soo deyso WA beeen

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!