Friday 19 January, 2018
Headline

United Oo Ku Dhaw Saxiixa Ozil , Qarash Aad U Saareya Ayay Arsenal Miiska U Saareen

Hishiiska Ozil ee Arsenal ayaa ku simman dhamaadka xilli ciyareedkaan , waxa ayna Arsenal haatan haystaan fursaddii ugu dambeysay ee ay laacibkaas kaga heli karaan lacag macquul ah ka hor inta uusan qaab bilaash ah kaga huleellin xagaaga dambe

Wargeyskaas ayaa sheegaya in maamulka United ay miiska u saareen tababare Jose 80 milyan oo gini oo uu suuqa January kaga soo heli karo laba xiddig

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Mourinho ay kaga dhagan tahay in Ozil keeno kooxda oo ay mar kale midoobaan waxa uuna diyaar la yahay 35 milyan oo gini waana qiimo Arsenal ku qanceyso maadaama hishiiska Ozil ee kooxdaas uu dhacayo lix bil ka dib

\Inkastoo Ozil xittaa bilaash lagu heli karo xagaag hadana Jose ayaa dreensan in cadaadis badan uu kala kulmayo PSG oo aad u dooneysa laacibka waana midda keeneysa in uu jiibkiisa isticmaalo

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!