Monday 19 February, 2018
Headline

Siyaasiinta Reer Laascaanood Ee Puntland Iyo Somaliland Oo Ku Hardamaya Gacan Ku Haynta Magaaladaas , Yaa Ku Horeeya?

Siyaasiinta ka soo jeeda gobalka Sool ee ku kala jira maamulada Puntland & Somaliland ayaa saacadihii ugu dambeeyey ku jiray loolankii ugu adkaa oo uu dhinacba-dhinaca kale doonayo in uu ugu awood sheegto, waxayna diiraddu saaran tahay arrimaha dagaalada Cusub.

Labada dhinac oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey oo kusugan Garoowe & gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa qolo kastaa ay adeegsanaysaa awood kasta oo ay haysato.

Kooxda kusugan Puntland ayaa adeegsanaya awoodooda ku aadan sidii Laascaanood weerar loogu qaadi lahaa, iyadoo laga jawaabayo fariin uga timid dhinaca Somaliland oo ahayd weerarkii dhacay 8-dii bishan January oo ay soo qaadeen maamulkaas, kuna qabsadeen degmada Tukaraq.

Kulamo aan kala kac laheyn ayaa dhexmaray Siyaasiin kusugan Garoowe, kuna kala aragti duwanaa bilihii iyo sannadyadii u dambeyey marxaladaha siyaasadeed ee ka taagan gobalka Sool iyo sidda loo wajahayaba.

Siyaasiintan xilalka ka haya Puntland ayaa u arka Fursada maanta taagan mid ay mar kale ku gali karaan loolanka doorashada nagu soo aadan ee Puntland, oo ay taageero uga heli karaan dhinacyada beelahooda oo ay u tahay waxqabad wanaagsan.

Gudoomiyaha baarlamaanka ee Somaliland iyo koox la socota iyana ka soo jeeda gobalkaas ayaa wax kasta ku bixinaya sidii looga dhaadhicin lahaa Madaxtooyada Hargeysa in aan marnaba laga laaban deegaanka Tukaraq.

Baashe Maxamed Faarax ayaaba u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu yahay qaraar Baarlamaan in aan laga soo laaban karin Tukaraq, taas oo ah fariin adag oo taageero raadis ah.

Siyaasiinta Hargeysa ka shidaal-qaadanaya ayaa Hargeysa xalay gaarsiiyey war dhiilo colaaded xambaarsan oo sheegaysa in Puntland ay dhawr goobood kasoo qaadayso dagaal xoogan wixii ka dambeeya 17-ka bishan January, taas oo ay taageero ku raadsanayaan.

Labada dhinacba waxay ciyaarayaan xaalad halis oo ay ku hardamayaan Kuraasta xilalka ay ka hayaan labada maamul, mase jirto wax Waan-waan iyo dadaalo nabdeed ah oo ay ku doonayaan in Somaliland oo soo duushay sidii looga saari lahaa deeganada gobalka Sool.

Tanni ayaa muujinaysa ciyaar adag oo qoladii maanta guushu raacdaa uga dhigan tahay fariin matalaad ay matalaan bulshada gobalkaa Sool, taas oo ah mid muujin karta in labada dhinacba midkood guushu raacdo.

Hadalada warbaahinta ay isku marinayaan ka sokow, ma jiraan xariiro toos ah oo ay yeesheen marka laga reebo wada hadalo aan shaacsaneyn oo qaarkood ku dhexmaray Telfoonka gacanta oo ay iskugu hanjabeen.

Xigasho : Puntlandtimes.com

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!