Monday 19 February, 2018
Headline

Maqaalka Akhristaha: Duqa Degmada Boosaaso Oo Qaaday Wadadii fashilka Iyo Fadeexada

Bossaso Waxay mudan tahay wadoonyin waawayn ,dayactir iyo ilaalinta goobaha muhiimka ah sida goobaha ganacsiga, caafimaadka, wadooyinka waxbarashada.

Dayactir la’aanta magalada Boosaaso?

Waxaa ka muuqda dayac iyo bur bur wadada isku xirta dowlada hoose, suuqa, golis ,karaama ilaa iyo ka bixida magalada sidoo kale waa halbowlaha bossaso ama wadada ugu muhiimsan mana jirto wax laga qabtay tan iyo intii uu la wareegay mayorka hada maamula degmada.

Bartamihii sanadkaad idlaanya 2017 waxaa jiray isku day shirkado ganacsi oo ay dhibtay wax ka qabasha la aanta wadooyinka bossaso khasataan wadada Halbowlaha ah waxaana caqabad ku noqday maamulka hada ka jira magalada bossaso ugu dambayntii waxaa goaan lagu gaaray in dayactirka ay ka wada qayb qaatan ganacsatada iyo dowlada hoose waxaana loo qoonday,yey lacag dhan 75,000 oo dollar Laguna wareejiyey maamulka degmada waxaase walaac badani ka jiraa in la cunay lacagtaas iyo in kale.

 Dhinaca kale bossaso Waxay wayday horumarkii iyo saamigii ay xaqa u lahayd dad badan Waxay qabaan inay taas ugu wacan tahay maamulka ka jira. Horomarinta magalada boosaso nadiifinta iyo beeritaanka dhirta,nalaynta dhamaan shaqadii dowlada hoose waxaa gacanta ku haya dhalinyarada magalada boosaso.

Dhinaca la’aanta sharci, ganacsi iyo la’aanta illaalinta xarumaha ganacsiga

¤ waxaad arkaysaa 10 xarumood oo isku xiga hadana ah isku badeecada sida shiidaal, iyo iyo taayiro iyo wax yaalo halis ah hadii mid ka Mida dhibi soo gaarto waxaa khatar galaysa badbaadinta inta kale .

¤ sidoo kale wadooyinka waawayn ee shacabku maraaan waxaad arkaysa gaawaari waawayn oo sida dhagax ciid hadana lahayn albaab dambe taasina Waxay khatar ku tahay bulshada hal dhagax oo ka dhacana wuxuu sababi karaa dhimasho iyo khasaare kaloo aad u wayn sidoo kale gawaari sida shidaal, sibir iyo alaabaha culus oo ayana sababi kara khasaare aad u wayn.

¤waxaad arkaysay magaalada boosaso oo maalin walba gubato hanti masaakiin bil walba cashuur loogu soo xaadiro waxaad helina gargaarki ay xaqa ugu lahaayen dowlada waxaana tusaale ku filan gubashada kaalimihii aaga hotel shabeele asbuucyo ka hor gubashada caawa baxaya spare parts kulina waxaa u gurmaday shirkadaha ganacsiga markii la waayey doorkii maamulka .

Dhinaca amniga shacabka magalada bossaso waxaa khatar loogu jiraa tuugo kuwa soo dhaca kuwo luuqyada dadka ku baarta iyo kuwo shaaraca isbaaro dadka u dhigta sidoo kale sida ku cad warbixinadii hay,addaha xuquuqul insaanka waxaa kor u kacay kufsiga iyo dhibaatooyinka loo gaysto dadkan awooda lahayn mana jirto wax ay ka qabato dowlada hoose tusaale ahaan dhibane faaiso oo uu dhib u gaystay dambiile ka tirsana ciidamada joogay magalada Boosaaso ma jirto xuquuq ay ka heshay maamulka magalada hadii ay ahaan lahayd mid daryeel caafimaad, cadaalad.

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deeganka bossaso Waxay bartooda facebookga ku caday,yeen in wax walba oo ka jira magalada bossaso uu masuul ka yahay duqa degmada oo aan diyaar u ahayn horumarinta degmada bossaso sidoo kale Waxay tilmaameen inuu jiro khilaaf ka dhex taagan golaha deeganka iyo maamulka degmada.

W/Q Yuusuf Cali Maxamed, kama tarjumayso aragtida Warbaahinta Puntlandi

Faafin Puntlandi.ca

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!