Friday 19 January, 2018
Headline

Laascaano Oo Maanta Xarigga Looga Jarayo Garoon Kubadda Cagta Ah , Cabdi Bile Ayaa Looga Magac Daray Isla Cabdi-ga Ayaa Furaya

Magaalada laascaanood ee gobolka sool waxaa maanta oo jimco ah laga furayaa garoon weyn oo kubadda cagta ah waliba aad casri u ah kaasi oo muddo dhismihiisu soo socdey ugu danbeyna lagu guuleystay in la dhameeyo.

Garoonkaan ayaa loogu magac darey orodyahanka weyn ee CABDI BILE CABDI oo taariikh weyn ka sameeyey dhanka orodka oo uu orodyahankaan ku caan baxay

Cabdi Bile wuxuu ka mid yahay martida laguu casuumey ee kaso qayb galaya xaflada furitaanka ee garoonka.
Orodyahan Cabdi Bile ayaa farxad ka muujiyay kadib markii lagusoo dhaweeyey magaalada laascaanood iyadoo la wada sugayo duhurnimada jimcaha in la furo garoonkaan.
Waxaa lagu wadaa ciyaar lagu maamusayo furitaanka garoonkaan in ay dhacdo taaso oo u dhexeysa koox ku ciyaareysa magaca SAXAAFADA gobolka SOOL iyo BARAYAASHA

 

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!