Friday 19 January, 2018
Headline

Kenya Airways Oo Shaacisay In Sanado Ka Dib Ay Bilaabeyso Duulimaadyadeedii Tooska Ahaa Ee Mareykanka , Xayiraaddii Waa Laga Qaaday.

Shirkadda duulimaadka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u bilaabeyso duulimaadyadeedii maalinlaha ahaa ee ay ku gaari jireen Markanka laga bilaabo bisha October ee sanadkaan

Arintaan ayaa imaaneysa ka dib sanado badan oo ay xayiraad ku jireen taasi oo uga timid Mareykanka sababo la xarira cabsi dhanka ammaanka ah

Madaxa fulinta shirkaddaas ayaa laga soo xigtay in iibinta tikidyada tooska ah ee Nairobi iyo magaalada New York ee Mareykanka ay bilaabatay qamiistii shalay aheyd .

Waxa uu sarkaalkaas intaas uu ku u daray in duulimaadka ugu horeeya ee ay Kenya Airways  si toos ah ugu tageyso Mareykanka ay bilaabaneyso 28-ka bisha October

Kenya ayaa lagu tirayaa mid ka mid ah ilaha ugu weyn ee dhaqalaaha bariga africa waxa ayna in badan ka sheegatay caga jugleyn dhanka ammaanka ah oo uga imaanayay kooxda alshabaab ee Somaliya

Share on Facebook

Comments

comments

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

error: Content is protected !!